Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo La Saxiixdey Duqa Magalada Muqdisho Mashruuc Lagu Caawinayo Dadka Danta Yar

0
45

Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Xildhibaan Sadiiq Warfaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka danta yar ee ku nool caasimadda.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Warfaa oo duqa Muqdisho ku soo dhaweeyay xafiiskiisa ayaa sheegay in Mashruucan la soo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, uu maanta ku wareejiyay maamulka gobalka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka aadka u nugul ee ku nool gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobobalka Banaadir oo ka mahadceliyay soo dhaweenta wasiirka ayaa sheegay in mashruucan wasaaradda ku wareejisay ay ku wareejin doonaan dadkii loogu talagalay.

Wasaaradda Shaqada ayaa horay u daahfurtay mashruuc loogu magacdaray Baxnaano,kaas oo la sheegay in lacago caawin ah lagu siinayo dadka danta yar,hayeeshee weli aan la soo bandhigin dad la siiyay lacagtaas.