Dhalinyarada Degmada Buurhakaba oo Usoo Gudubtey Wareegii Ugu Dambeyey ee Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

0
75

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, ayaa waxaa xalay kulankiisa 29-aad oo ah wareegga afar dhamaadka kulankiisa ugu dambeeyay ku tartamay Degmooyinka Warta Nabadda Vs Buurhakaba oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Baay, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Warta Nabadda Vs Buurhakaba ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Warta Nabadda

Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Buurhakaba

Tartamayaasha Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay Warta Nabada, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Buurhakaba waxay noqotay 14 dhibcood halka Wartanabada ay heleen 10 dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa u soo gudubtay wareegga kama damebysta ah ee tartanka, waxaana ay is arki doonaan dhigooda Dharkeynley oo kal hore tiigsatay finalka tartanka.

Dhalinyada Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa lagu wadaa in maalinta Qamiista habeenka jimcaha soo geleyso la kulmaan Degmada Dharkanleey oo iyadana ka tirsan Gobolka banaadir taasoo noqoneysa tartan u dhexeeya Galbolka Baay iyo Gobolka banaadir