Dhegeyso: Madaxweynihii Hore ee Somaliya oo Ka Hadley Dib u Dhigista Dacwada Bada

0
119

Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay Shirkiisa saxaafadeed, dib udhigista Dacwada Badda,Ee Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeysa.

Waxa uu sheegay in Afartii Sano Lasoo dhaafay meeshii ay joogtay Dacwada badda xilligii Dawladii isaga hogaaminayey aan wax isbadel ah lagu sameynin.

Farmaajo ayuu ku eedeeyey inuusan marna ka hadlin Qadiyada Badda oo ah mid qaranka u taalla sidaa awgeedna aysan mudneyn arimahaan oo kale inuu ka aamuso.