Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibrahim Aadan Cali Najax ayaa Dhamaan Maamulada Degmooyinka Gobolka iyo laamaha amaanka faray inay joojiyaan dhul boobka ka socda deegaano ka tirsan Gobolkaas.
Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Najax ayuu ku sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu ku howlan yahay sameynta sharci bixin sax ah oo ka hirgasha dhamaan deegaannada Maamulkaas, isla markaana ay ogyihiin dhul boob ka socda deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in cid kasta oo heysata dhul danguud uu kala wareegi doono Maamulka koonfur Galbeed, waxaana shacabka uu uga digay inaysan ku kahsoomin dhulalka danta Guud ee laga iibinayo.