Warar aynu ka heleyo magalada baydhaba ayaa sheegaya in cudurka covit 19 uu fara ba,an ku hayo shacabka ku dhaqan magalada baydhaba kaasoo uu soo ritey dadyow aad u fara badan oo ku dhaqan magalada
Dad ku sugan magalada baydhaba ayaa inoo sheegay in labadii maalmood ee lasoo dhaaafay ay cudurkaasi u dhinteen in ka badan 20 ruux oo uu ku jiro dhaqtar ka shaqeyn jirey cisbital ku yaala magalada baydhaba.
Magalaada baydhaba ayaa ka jirta xaalad deg deg ah kolka laga eego dhinaca la tacaalida cudurkan oo u baahan in dadka ay helaan meelo lagu dabiibo kolka ay u baahdaan qalabka neefsashada kaasoo aan laga heleyn magalada baydhaba.
Dhinaca kale isku socodka dadka magalada badhabo ayaan eheyn mid xakameysan waxaa wweli furan dhamaan masaajidada magalada iyo weliba goobaha ganacsiga waxaad arkeysaa dadkii oo aan sameyneyn kala fogaasho si loo xakameeyo cudurkan dilaaga ah.
Maamulka uu hogaamiyaa ka yahay Cabdicasiis Lafta Gareen ayaan weli ka hadlin dhibta baaxada leh ee uu cudurkan ku hayo guud ahaan deegaanada maamulka uu ka arimiyo gaar ahaan degmada baydhaba.