Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka jogtada ah ee Guddiga Qaran xakameynta COVID19, kaasoo looga hadlo arrimo dhowr ah.
Kulanka oo u qabsoomay qaab muuqaal Mareegta Internet-ka ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray qiimeyn guud oo lagu sameeyay saameynta uu dalka ku reebi karo safmarka Covid19, maadaama uu billowday hoos u dhaca heerka faafitaankiisa.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Guddiga ka hortagga faray dar dargelinta howlaha looga hortagayo faafitaanka dalka ee Cudurka Coronavirus iyo fatahaadaha ka jira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.
Cudurka COVID-19 ayaa ah mid fara ba’an ku haya guud ahaan dallka isagoo aad ugu sii faafaya guud ahaan magalada muqdisho iyo gobolada dalka.