Wararka ka imaanaya Goboladda dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Xaalad kacsanaan ah ay ka jirta deeganada xuduudda Gobolada dhexe gaar ahaan deegaanka garasle ee hoostaga dagmada lababaar, kadib markii Ciidanka liyuu Boolis ay dileen dad Shacba ah.
Dilka dadka shacabka ah ayaa ka dambeysay, kadib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhex-galay Ciidamada liyuu Boolis iyo dadka deegaanka Garasle,waxaana Ciidamada ay toogteen dadka Shacabka ah oo Xoolo dhaqato ahaa.
Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada liyuu Boolis ay duugeen laba Barkadood oo ku yaalla tuulada ismadhaqo, kuwaas oo dadka Shacabka iyo Xoolaha ay Biyaha ka cabi jireen.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Masleeshiyaad deegaanka ah iyo Ciidamada liyuu Boolis.