Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in 24-kii Saac ee la soo dhaafay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ay ku geeriyoodeen dad lagu arkay Calaamada Cudurka Coronavirus,isaga oo sidoo kale eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya.
Cali Jeyte oo Warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa sheegay in 12 Ruux ay ku geeriyoodeen Magaalada Beledweyne,kuwaas oo lahaa Astaamaha Cudurka COVID-19 halka hal ruux oo kale uu ku geeriyooday deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Beledweyne.
Waxaa uu sheegay in Magaalada Beledweyne iyo deegaannada kale ee Gobolka Hiiraan dadka ku nool ay u baahan yihiin agabka loogu talo galay Cudurka COVID-19 oo uu sheegay in weli dowladda Soomaaliya ka helin,waxaana uu ugu baaqay dowladda inay la soo gaarto.