Dhegeyso Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Puntland oo Ka Hadey Khilaaf Kala Dhexeeya Madaxweyne Ku Xigeenkiisa

0
120

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay khilaafka soo kala dhax-galay,isaga iyo kuxigeenkiisa,kaas oo saameeyay hay’adaha kala duwan ee Maamulka.

Saciid Deni waxa uu sheegay in Puntland ay tahay deegaan xasiloon, hayeeshee qoraaladii lagu baahiyey Baraha Bulshada ee lagu sheegay in madaxweyne kuxigeenkiisa uu soo saaray uusan hubin inay yihiin kuwo sax ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in awooda Maamul ee Magacaabista xilalka uu mas’uul ka yahay isaga, Hayeeshee kaliya Madaxweyne kuxigeenka uu leeyahay in uu kala tashado Magacaabista.