Maamulka Jubaland oo Ka Hadley Ismiidaamin Ka Dhacday Duleedka Magaalada Dhoobleey

0
57

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa waxay sheegaan in Isniintii lasoo dhaafay ay dileen 4 ka tirsan dagaallamayaasha Al-shabaab kadib dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose.

Maxamed Cabdullaahi oo ah taliye ku xigeenka booliska degmadaas oo la hadlay wakaaladda wararka Shiinaha ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu dhacay kadib markii dabley hubeysan oo Al-shabaab ah ay weerar ku qaadeen saldhig ay deganaayeen ciidamadda Jubaland, kadibna iska caabbin ay sameeyeen.

Weerarkaan ka dhacay Dhoobley ayaa kusoo aadaya, seddex maalin kadib markii ciidamada militiriga Soomaaliya ay sheegeen in ay dileen 5 kamid ah Al-shabaab kadib dagaal ka dhacay magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kor u qaaday weerarada ka dhanka ah Al-shabaab gobollada ku yaalla koonfurta Soomaaliya, hase-ahaatee weli ciidamadaas ayaa la kulmaya duullaanno kala duwan oo uga imaanaya miyiga gobolladaasi oo ay Al-shabaab soo qaadaan mar walba.