Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali ( Najax) ayaa si kulul uga hadlay dagaal inta u dhaxeeysa degmada Deeyniile iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ku dhex-maray Ciidamada Booliska degmada Deeyniile iyo Ciidamo Millateri ah.
Guddoomiye Najax ayaa sheegay in maleeshiyaad kasoo gudbay degmada Deeyniile ay weerar ka geysteen waaxda jabad-geel ee deegaanka Ceelasha Biyaha, isla markaana maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose uu amnigiisa ilaashanayo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Sohdinta u dhaxeysa Muqdisho iyo Shabellaha hoose ay tahay mid la wada yaqaano, hasayeeshee aysan aqbaleyn in lagu qaldamo dhul aan laheyn sharciyad sax ah.
Dagaalkii ka dhacay Waaxda jabadgeele ayaa waxaa ku dhintay in ka badan Shan Askari, waxaana Guddoomiyaha degmada Deeyniile oo hadlay uu sheegay in Ciidamo Millateri ah oo dad Shacba ah dhul ka burburinayay ay ka difaaceen.