Ciidammada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay dilka 7 dhallinyaro aqoonyahanno ah oo ka shaqeynayay xarun caafimaad oo ku yaalla deegaanka Gololley ee degmada Balcad iyo nin dukaanle ahaa oo dhammaantood laga kaxeystay guryahooda kadibna la helay meydadkooda.
Odayaasha dhaqanka ee deegaanka oo uu kamid yahay Nabaddoon Axmed Maxamed Muuse oo loo yaqaanno Foodcade ayaa dowladda ku eedeeyay dilka dhallinyaradaasi. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidanka kaxeystay dhallinyarada ay u muuqdeen kuwa dowladda.
Nabaddoonka ayaa xusay in ciidanka qaar ee kaxeystay dhallinyarada la aqoonsaday, islamarkaana ciidanka ay ahaayeen kuwa ku sugnaa deegaanka.
Laakiin maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa beeniyay eedeynta.
Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in Al-Shabaab ayaa ka dambesay dilka saraakiisha caafimaadka, isagoo intaasi raaciyay in wali uu baaritaan socdo.
Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey, ahna Isku duwaha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya Adam Abdelmoula ayaa si xoogan u cambaareeyay dilkii shaqaalaha caafimaadka ee 7-da ahaa iyo qofka rayidka ahaa.
Shaqaalaha la dilay ee caafimaadka ayaa u shaqeynayay hay’adda Zamzam, waxeyna ku howlanaayeen la tacaalidda arrimaha caafimaadka deegaanka oo uu ugu horreeyo xanuunka COVID-19.