Gudoomiyaha golaha odayasha dhaqanka Suldaan Buube Cabdulle Buube, Afhayeenka odayaasha dhaqanka koonfur galbeed Malaaq Maxamed Yacquub Deerow iyo Afhayeen Odayaasha dhaqanka somaaliyeed suldaan Warsame Aliyow waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii iyo qaraaabadii uu ka geeryoodey Ugaaska Beesha Silcis Ugaas Xuseen Maxamed Daauud oo Maalintii shalay kooxo hubeysani ay ku dileen degmada Yaaqshiid ee gobolka banaadir.
Odayaasha dhaqanka ayaa waxaa ay leeyihiin ilaahay marxuunka janadii fardowsa ilaahay haka waraabiyo qabrigiisana ilaahay waasac ha uga dhigo Amiin Amiin.
Ugaas Xuseen Maxamed Daud ayaa waxaa uu ka mid ahaa 135 odey dhaqameed ee wax kasoo dhisay dowlada federaalka somaliya isla markaana wax kasoo dhisay xildhibaanada koonfru galbeed.