Askarigii ninkii madowga ku dilay Minneapolis oo la xiray

0
124

Derek Chauvin oo ahaa askarigii ka dambeeyay dilka George Floyd ayaa la xiray kadib markii dadka reer Minneapolis ee gobolka Minnesotta ay sameeyeen dibad baxyo rabshado wata oo ay ku dalbanayeen xarigga Derek.

Madaxa booliska magaalada Minneapolis ayaa talaadadii sheegay in shaqda ay ka eryeen afar sargaal oo ku lug lahaa dilka oo uu kamid yahay Derek Chauvin oo dhuunta jilibka uga hayay Floyd ilaa uu ka dhinto.

Booliska ayaa u yimid George Floyd oo kujira gaarigiisa kadib markii dukaank ka agdhawaa meesha uu u wacay, markaasoo la sheegay inuu ula tagay lacag been abuur ah.

Muuqaallo ay duubeen dad goob-joogayaal ahaa iyo kaamerooyinka loo yaqaanno CCTV ayaa muujinayay in Floyd oo ah madow uusan muujin wax amar diiddo ah balse Derek uu u isticmaalay awood xad-dhaaf ah oo laga maarmi karay, taasoo sababtay dhimashada.

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa kamid ahaa dadkii su’aalaha ka keenay sababta loo xiri la’yahay askariga dilka geystay.

Dibadbaxyada ayaa wali soo socda, dadka dibad baxaya ayaana la arkayay iyagoo gubaya goobo ganacsi iyo saldhigga booliska magaalada Minneapolis.

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa bartiisa twitter-ka kusoo qoray in xariga askariga oo lagu soo eedeeyay dilka uu yahay tallaabo wanaagsan oo billow u ah waddo dheer oo caddaalad loogu raadinaayo George Floyd.

Madaxweynaha Mareykanka Donal Trump ayaa dhankiisa faray maamulka magaalada inay xakameeyaan dibad baxyada kahor inta uusan usoo dirin ciidammada keydka qaranka, isagoo xusay inuusan indhaha ka qabsan karin waxa ka socda Minneapolis.

Dibadbaxyada ayaa ku baahay gobollada Ohio iyo California, waxeyna dibad baxayaashu muujinayaan sida ay ugu xunyihiin naceybka iyo dilalka loo geysanayo dadka madow.