Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo Ciidanka Itoobiya lagula eegtay gobolka Baay, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.
Qaraxyada oo dhamaantood miino nooca dhulka lagu aaso ahaa ayaa waxaa Kolonyada Ciidamada Itoobiya lagula eegtay xili ay socdaal ku marayeen wadada xiriirisa degmooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale ee Gobolka Baay.
Dadka deegaanka ayaa Qaraxyada kadib soo weriyey in dagaal toos ah uu dhexmaray Ciidanka Itoobiya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, iyagoo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Al-shabaab warar ay ku faafiyeen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ku sheegeen in Ciidanka Itoobiya ay la eegteen 4 qarax, sidoo kalena ay weerar toos ah ku qaadeen, hayeeshee ma jiro faah faahin intaas ka dheeraad ah oo ay bixiyeen.