Xildhibaannada tobannaanka sano kujira baarlamanka ma tahay xilligii ay ka fadhiisan lahaayeen siyaasadda

0
84

Waxaa Soomaaliya ka billaabatay doodda ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka baarlamaanka oo iyagana markaas kadib dooran doona madaxweynaha. Balse waxaa soo ifbaxeysa walaac kale oo ku saabsan xildhibaannada imaan doona dhammaadka sanadkan iyo billowga sanadka dambe kuwa ay noqon doonaan.

Qarammada Midoobay, beesha caalamka iyo aqoonyhannada Soomaali ah ayaa muujiyay walaac ku saabsan xildhibaannada xilligii Carta ilaa iyo hadda wali kujira baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay in qaarkood ay dib udhac ku yihiin horumarka siyaasadda Soomaaliya.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay warbaahinta Daafeet Media ayaa sheegaya inay socdaan abaabul ay wadaan dhallinyaro kasoo jeeda maamul goboleedyada dalka kuwaasoo doonaya inay baddelaan xildhibaannada la sheegay in tan iyo dowladihii lagu soo dhisay Carta iyo Eldoret ku jira baarlamaanka Soomaaliya.

Dhallinyarada ayaa doonaya in maadaama Soomaaliya xilligan wax lagu qeybsado qaab qabiil ama doorashada soo socota ay noqon doonto qaab maamul goboleed in xildhibaannada muddada ku fadhiya kursiga ay fursad siiyaan dhallinyarada ama aqoon yahannada kale.

Sidoo kale waxaa jira in xildhibaannada tobannaanka sano ku fadhiya kursiga in marka ay geeriyoodaan ama caafimaad ahaan aysan usii wadi karin shaqada ay ku wareejiyaan booskooda carruurtooda ama walaalahooda taasoo u eg sida dhaxaltooyada dalalka ku shaqeeya nidaamka boqortooyada.

Is-abaabulka socda ee ka dhanka ah xildhibaannada is laheysiiyay kuraasta baarlamanka ee beelaha ay kasoo jeedaan ayaa u muuqda mid soo afjari doona hammigooda kursi jaceylka iyo boqortooyannimada ku dhisan marka la gaaro doorashada soo socota ee dhammaadka sanadkan.