Ugu yaraan 10 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday 13 kalena way ku dhaawcmeen qarax miino oo haleeyay gaari hoomay ah oo marayay wadada Lafoole ee gobolka Shabeeladda hoose isaga oo kusii jeeday degmada walaweyn.
Lama oga cida falkaan ka dambeysay, hase yeeshee ma ahan markii ugu horeysay oo fal noocan oo kale ah uu ka dhaco wadooyinka xiriirya gobolka Shabeeladda hoose.
Sanadkii 2017, 10 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday Qarax Miino oo haleelay Gaari Homey ah oo ka soo ambabaxay deegaanka Buulo Mareer kunasii jeeday magaalada Marka.
Bishii June, 2016, 18 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday kadib markii qarax miino uu haleelay baabuur ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.