Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya oo Dhawaan Furi Doonta Duulimaadyada Airporka Aadan cade

0
120

Warar aynu ka heleyno magalada muqdisho ayaa sheegaya in Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya ayaa dib u bilaabi doonta duullimaadyada maxalliga ah toddobaadkan gudihiisa, kuwaas oo horay loogu joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Saraakiisha laanta hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha iyo Mas’uuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha ayaa la sheegayaa in ay isku raaceen in lagu dhaqmo amaro la xiriira ka hortagga COVID–19 oo horay loo soo saaray.

Amarada la isku raacay ayaa waxaa kamid ah in rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradaha xirtaan qalabka lagu daboosho afka iyo Sanka, gacmo gashiga iyo gacmo-nadiifiyeyaasha,si looga hortaggo Cudurka Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya ayaa 29-kii Bishii Maarso waxaa ay si kumeel gaar ah u joojisay duulimaadyada si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus, xilligaas oo kiisaskii ugu horeeyay ee Coronavirus ah laga helay Soomaaliya.