Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Garoowe ayaa sheegaya in haatan Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash uu kulan xasaasi ah uga socdo xarunta baarlamaanka ee magaaladaasi, kadib markii ismimada maamulkaasi ay ku guuleysteen inay isu-keenaan.
Kulankan ayaa ah mid lagu dhex-dhexaadinayo labada adhinac, si ay xal uga gaaraan khilaaafka xoogan ee muddooyinkii la soo dhaafay u dhexeeyey.
Isimada Puntland oo markasta u istaaga xalinta khilaafka madaxda sare ee maamulkaasi ee haatan xalinta wada ayaa waxaa ka mid ah, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Boqor Cabdullaahi Axmed Cali Daba-gooye, Ugaas Maxamuud Cabdullaahi Ciise Nuur iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase, kuwaas oo dhex-dhexaadinaya mas’uuliyiintaasi.
Sida qorshuhu yahay waxaa kulanka hadda socda lagu soo afjari doonaa khilaafka hareeyey Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo maalmihii u dambeeyey si aad ah looga hadal hayey deegaanada maamulkaasi.