Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta lagu Aasay Alle ha u Naxaristee fanaankii Caanka ahaa ee Hobolada Waaberi Cabdi Tahliil Warsame, kaasoo muddo ku xanuun sanayaya Magaalada Muqdisho.
Khabuuraha Dugsiga Tababarka ee iskoola Bulusiya ayaa lagu Aasay meydka Fanaan Cabdi Tahliil, waxaana ka qeyb galay Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed, Qoyskiisa iyo qaar kamid ah Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho.
Qaar kamid ah Xubnaha Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed oo hadalo ka jeediyay goobta aaska ayaa waxaa ay sheegeen in uu ahaa Cabi tahliil nin qaali ah oo ka baxay Fanka Soomaaliya, iyaga oo Alle uga baryay in Naxariista Janno uu siiyo.
Sidoo kale Fanaaniinta ka qeyb galay Aaska ayaa waxaa ay uga tacsiyadeeyay Shacabka Soomaaliyeed iyo Ehelladiisa Fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame oo Muqdisho ku geeriyooday.