
Wararka laga helayo deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada AMIOSM ay madaafiic ku garaaceen tuulada Keli asaayle oo hoostagta Janaale, taasoo sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawc ah.
Barqanimadii Maanta ayaa waxaa la sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shaaab ay tageen Tuulada kali Asaayle, isla markaana dadka Shacabka ah ay Goob fagaaro ah isugu keeneen si ay ula hadlaan taasoo keentay in Ciidada AMISOM madaafiic ku garaacdo tuuladaas.
Dadka Shacabka ah ee ku dhintay madaafiicda Ciidamada AMISOM ayaa waxaa la sheegay inay yihiin Beeraleey halka dadka ku dhaawacmay loo soo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.
Ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro madaafiic ah ku qaadeen deegaano ay ku sugan yihiin dad Shacab ah, kadib markii ay weeraro kala duwan ay kala kulmeen Al-Shabaab.