
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka ciidamo Boolis oo dheeraad ah dhigtay wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo deegaan xeebeedka Jasiira ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa fariisimo cusub ka sameystay wadadaasi oo muhiim u ah dadka dalxiiska uu aada xeebta Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka shaqeyn doonaan sugida amniga wadadaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay cabasho ka muujinayeen dadka rayidka ah iyo gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Jasiira.
Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xildhibaano ka tirsan BF ay kormeer ku tageen wadadaasi iyo deegaanada ku xeeran.