
Khilaaf xoogan ayaa ka taagan kulamada Baarlamaanka labada Aqal in ay noqdaan kuwo si wadajir ah qabsooma wixii hadda ka dambeeya, maadaama Muddo xileedka Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya uu dhamaad yahay.
Sidda ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya Khilaafka ayaa yimid kaddib markii Guddoonka labada Aqal isku fahmi waayeen in warbixinta Guddiga wadajirka ah Labada Aqal ee loo xilsaaray dhameystirka xeerarka doorashooyinka in wadajir labada Aqal loo horkeeno.
Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa iska diiday in ay la shiraan Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in shaqadda labadda Aqal si gooni gooni ah loo qabto.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ku doodaya in sidii horay u dhici jirtay marka Golaha Shacabka uu sharci soo meel mariyo in loo soo gudbiyo Aqalka Sare, si ay iyana uga doodaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa isna ku doodaya in aanu waqti jirin, isla markaana ay muhiim tahay in sharciyada Baarlamaanka ay wadajir u ansixiyaan Labada Aqal, isla markaana u fariistaan.