Aqriso: Qoraal Loo Qeybiyey Golaha Wasiirada oo ah Inaysan La Hadli Karin Warbaahiinta Amar La,aan

0
68

Ra’isul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka ah Mahdi Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray ku amray wasiirrada dowladda federaalka ah in isticmaalka baraha bulshada, Idaacadaha iyo Telefishinada ay u baahan yihiin ogolaashiyo xafiiska ra’isul wasaaraha ah.

Ilo ku dhaw xafiiska ra’siul wasaaraha xsomaliya ukuumada federaalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qoraalka loo diray dhamaan wasiirada balse aan lala wadaagin saxaafadda.

Qoraalkan ayaa muujinayaa qaab dhaqanka xukuumadan in aysan waxba a duwaneyn qaabka ay u dhaqmaan wadamada ay ka taliyaan kuwa keligood taliyeyaasha ah taasoo aan aheyn mid ku wanaagsan wadan 30 sano dagaal ku jirey oo u baahan in uu heoo dimoqradiyad buuxda.