Maxkamada gobolka banaadir ayaa maanta waxaa ka bilowdey Dhageysiga Dacwada 10 Ruux oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka kuwaasoo ku eedeysnaa Musuq maasuq.
Shaqsiyaadka dacwadan loo heysto ayaa waxaa ka mid ah Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud oo dhawaan xabsiga laga sii daayay.
Eedeymaha ugu waawey ee loo heysto masuuliyiintan ayaa waxaa ka mid ah lunsashada hantida dadweynaha, gaar ahaan dhaqaalihii loogu tala galay in looga hortago Cudurka Corona virus.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa bilihii lasoo dhaafay wajaheysay jahwareer ka dhashay xiritaanka Shaqaallaha iyo sidoo kale agaasimaha Guud xilli xaalad adag uu dalku ku jiray.