Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray diyaarad sidey muwadiniin soomaaliyeed oo mudo ku xanibnaa Dalka Kenya.
Muwaadiniintan ayaa in mudo ah ku xayirnaa dalka kenya kadib kolkii ay xukuumada federaalka ay xayirad kusoo rogtey duulimaadyada diyaaradaha kaasoo ay ka xiriirtey sidii loo adkeyn lahaa la dagaalanka cudurka Covid 19.
Muwaadiniintan maanta dalka dib loogu soo celiyey ayaa sodaalkooda waxaa qeyb ka qaatey oo fududeeyey safaarada Soomaaliya ee Kenya ayadoo weliba baariaano lagu sameeyey inta aysan soo bixin ka hor.
Ma aha markii ugu horeysay oo ay xukuumada u fududeyso in dalka diib ugu soo laabtaan muwaadininta soomaliyeed ee ku xayiran dalka dibadiisa dhawaan ayey ahayd kolkii sidan oo kale ay shacab uga keentay dalka turkiga.