Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Sheegay Inuusan Aqbali Doonin Wax Walboo Kasoo Baxa Shirka Somaliya iyo Somaliland

0
75

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa maanta sheegay in aysan Puntland marnaba raali ka ahaandoonin natiijo kasta oo kasoo baxda shirka Jabuuti uga socda Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweyne Deni oo la hadlayay barlamaanka Puntland, ayaa tilmaamay Puntland oo ka maqan miiska wada hadalka in ay xaaraan tahay wax kaste oo kasoo baxa wada hadalka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa madaxweynuhu sheegay in uu jiro khilaaf dhuleed oo ka dhexeeya Puntland iyo Somaliland, taasoo u baahan yahay in iyada marka hore xal laga gaaro, si looga fogaado colaad jiitanta.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu fursad siyaasadeed ka dhex raadinayo wada xaajoodka Somaliland uuna ku xad gudbay Puntland iyo shacabka gobolada Sanaag iyo Sool oo uu sheegay inay ahayd in wada xaajoodka laga qeyb galiyo.