Gudoomiyeyaasha degmada walaweyn Maxamed Koosto iyo Cumar oo maalintii shaley shir jaraaid ku qabtey degmada walaweyn ayaa ka hadley dagaalo kusoo noqnoqdey degmada oo ay hurinayaan kooxo kasoo kicitamey deegaanada maamulka hirshabeele oo isbaaro horey ugu ooli jirtey gudaha degmada.
Gudoomiyeyaashan ayaa shirkooda jaraaid ugu hanjabay dhalinyarada degmada walaweyn oo iska difaacayey weerar ay habeen hore soo qaadeen kooxdan, Warqadooda hanjabaada ayaa waxaa ku qorneyd in ruuxii degmada qori ku dhex wata oo la arko in la dili doono qorigana laga qaadan doono.
Dhanka kale gudoomiyeyaasha ayaa waxaa ay sheegeen in gogoshii horey loo dhigey ay furan tahay isla markaana loo baahan yahay in gogosha dib loogu soo laabto si loo xaliyo dagaalada kusoo noqnoqdey deegaanka.
Si kastaba arintu ha ahaateen labadan masuul ayaan la ogeyn ruuxa masuulka ka ah degmada maadaama ay inta badan isku meel iyo si u hadaan shacabka, ayadoo dadka qaarkii ay sheegaan in wasiirka uu jeclaan lahaa in uu noqdo gudoomiyaha degmada.