Beesha Caalamka oo soo Dhaweysay Wadahadalada uu Farmaajo ugu Baaqay Madaxda Maamul Goboleedyada

0
77

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay soo-jeedintii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed ‘Farmaajo’ ee 14kii Juun ee ku saabsanayd qabsoobidda shir dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Madaxweynayaasha shanta Maamul Goboleed ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo shir gogol-xaar ah uu si hordhac ah ugu qabsoomi doono khadka internetka [aaladda la iska arko].

Waxay ugu baaqday madaxda Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursaddan si ay ugu heshiiyaan wadiiqada horay loogu amba-qaadayo arrimaha hortabinta u leh qaranka, oo ay ku jiraan doorashooyinka, si loogu daneeyo dhamaan dadka Soomaaliyeed.

Beesha caalamka waxay soo dhoweysay dadaalada joogtada ah ee loo galay wadahadalka, dib-u-heshiisiinta iyo isu-tanaasulka ka dhexeeya madaxda siyaasadeed. Waxay sidoo kale soo dhaweysay baadi-goobka loogu jiro in xal laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed iyadoo aanay rabshado dhicin, lana adeegsanayo garashada xaaladda jirta iyo u-wada-dhamaansho, oo ay ku jirto Jubaland.

Isjiijiidka u dhaxeeya madaxda dowlafa fedeaalka iyo kan maamul goboleedyada ayaa weigiis ahaa mid mid kusoo noqnoqdey shacabka somaaliyeed taasoo inta badan dib u dhac weyn ku heysa in somaliya ay ka curato xukuumad awood leh oo umada oo dhan ka wada faaiideystaan.