Madasha Xisbiyada Qaranka oo Soo Dhaweeyey Hadalkii Kasoo Baxay Qaramada Midoobay

0
59

Madasha Xisbiyada qaran ee dalka ayaa war ay soo-saareen waxay ku taageereen codsigii 13-dii-May ee sanadkaan ee Golaha ammaanka ee Qaramada midoobe kaasoo ku saabsanaa in ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn howl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya laga saaro waddanka.

Warka kasoo baxay axsaabta midoobay ee mucaaradka ah ayaa waxaa lagu yiri “ Madashu waxay aad ugu mahad-celineysaa in la caddeeyay tirade rasmiga ah ee Ciidamada howl-galka midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya oo gaaraya 19,226 askari”.