Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada oo Sheegay In Mar Kale Dib Loo Dhigay Furitaanka Duulimaadyada

0
66

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada dowlada federaalka somaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad {Oomaar} oo la hadlay talefishinka SNTV, ayaa sheegay in mar kale dib loo dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha sababo la xiriirta iyadoo laga taxadarayo faafitaanka cudurka Covid-19.

Wasiirka ayaa sheegay in cudurka covid19 uu marayo marxalado kala duwan, isagoo tilmaamay in dowladdu ka fogaanayso in cudurka meelaha uu kasii yaraanayo uu dib ugu soo laabto ama in cudurku gaaro meelo uusan hadda gaarin haddii isku socodka gobolada xayiraada laga qaado.

Wasiirka ma sheegin goorta la cayimay in dib loo furayo duulimaadyada hawada. Qorshuhu wuxuu markii hore ahaa in dib loo furo sodonka bishaan.

Xayiraada duulimaadyada gudaha iyo dibada ayaa waxaa ka dhashay saameyn dhaqaale oo aad culus. Waxaa albaabada u laaban xafiisyadii duulimaadyada.