Guddiga Diyaarinta Xeerarka dhameystirka Doorashooyinka Qaran oo maanta qeyb ka ahaa Kulanka golaha Shacabka ayaa Xildhibannada u qeybiyay afarta xeer ee Doorashada ee loo saaray inay soo diyaariyaan.
Xeerarka ay Guddiga Golaha u qeybiyaan ayaa waxaa ay kala yihiin,, Mataalada Gobolka Banaadir, Qoondada Haweenka, Xeerka Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta Baarlamaanka iyo habka Nidaamka Doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland.