Madasha Xibiyada Qaran oo Xukuumada Sheegay In Xukumada Ku Fashilantey Qabashada Doorasho Qof iyo Cod ah

0
60

War saxaafadeed kasoo baxay madasha axsaabta qaran oo ay ku midoobeen dhowr xisbi oo mucaarad ah ayaa waxaa si weyn loogu dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaaba lagu xusay warkaas qoraalka ah in dowladda hadda jirta ay ku fashilantay qabashada doorasho qof iyo cod ah .

Warkaan qoraalka ah oo ka kooban hal bog ayaa waxaa sidoo kale Baarlamanka Soomaaliya looga codsaday in uusan meel marin xeerkii dhowaan uusoo bandhigay Guddigii wada-jirka ahaa ee doorashada , kaas oo war saxaafadeedka lagu yiri wuxuu waddanka u horseedayaa qalalaase iyo deganaan la’aan.