Qaramada Midoobay oo Sheegtey in 2.6 Milyan Somali ah Inay Ku Barakacsan Yihiin Gudaha Dalka

0
84

Maanta waxa dunida laga xusaa Maalinta Qaxootiga Adduunka, bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay maanta ku baaqday in la ilaaliyo guulihii laga gaaray yareynta dhibaatada heysata qaxootiga ku sugan Soomaaliya, iyadoo dalku uu xoogga saarayo ka-jawaab celinta aafada COVID-19.

“Hay’adaha Soomaaliya waxay dadaal dhab ah oo hagar la’aaneed u galeen taageerada iyo dhowridda xuquuqda magan-gelyo iyo badbaadinta dadka ku barakacay colaadaha, cadaadis ay ka carareen iyo saameynta isbedelka cimilada. Arintan waxaa sii adkeeyay aafada cusurka COVID-19 – waa in [hay’adaha Soomaaliyeed] lagu amaano dadaalladooda,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Ugu yaraan 2.6 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacay gudaha dalka, iyadoo sidoo kale dalku uu martigeliyay dad ka badan 30,000 oo qaxooti iyo magangelyo-doon ah, oo badankood ka yimid Itoobiya iyo Yemen.

Gudaha Soomaaliya, qaxootiga iyo dadka barakacayaasha ah waxay si gaar ah ugu nugul yihiin cudurka faafa ee COVID-19 maadaama tiro badan oo dad ah ay ku nool yihiin xarumaha mashquulka badan ee magaalooyinka iyo deegaanada dadka barakacayaasha ah (IDPs).