Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo xalay taageerayaashiisa kula hadlayey magalada Tulsa ayaa dib u cusbooneysiiyay weeraradiisii cunsuriyada ahaa ee ka dhanka ah Ilhan Omar.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka hadlay Ilhan Cumar Waxaana uu ka digay in haweeneyda u tartameysa Koongareeska ay qeyb ka noqon doonto maamulka Mareykanka hadii musharaxa madaxweynaha Dimuqraadiga Joe Biden uu guuleysto November 2020.
“Waxay jeceshahay inay ka sameyso dalkeena dowlad lamid ah sida dalka ay ka timid ee Soomaaliya oo aysan ka jirin nabadgelyo, booliis ka jirin, waxbana ka jirin,” ayuu yidhi madaxweyne Donald Trump.
Trump ayaa waxaad moodaa in uu inta badan la hadlay dad yar oo kooban isla markaana isaga ku fikir ah aadna ugu weyn tahay in dalka marekana aan loo ogolaan ddka madowga ah ee ka yimaada dalka africa walow inta badan shacabka mareykana aysan fikirkaas qalafsan qabin.