Warar hordhac aynu ka heleyno khasaaraha ka dhashay qarax abeenkii xalay ka dhacay xaafada muuri ee degmad wala weyn ayaa shegaya in uu geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Qaar ka tirsan dadka deegaanka oo aan la xiriirney ayaai noo sheegay in qaraxaasi uu ahaa bambooyin lagu weerarey Guri ku yaalla Xaafada Muuri ee degmada Walanweyn, kaasoo uu deganaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Wararka ayaa waxaa ay inatasi ku darayaan in weeraradaasi bambaano ay ku geeriyoodeen Afar Ruux oo isugu jira askar iyo Shacab halka 7 Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo ku sugnaa Hoyga la weeraray iyo Xaafadaha ku dhow degmada Walanweyn.
Maamulka degmada Walanwyen ee Goblka Shabeellaha Hoose iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxyada xalay lagu weeraray guri uu deganaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda.