Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka biyo diiday inuu ka qeyb noqdo go’aan ay si wadajir ah usoo saari lahaayeen madaxda Maamul Goboleedyada oo la xiriira doorashooyinka dalka.
Warar hordhac ah oo laga helayo go’aanka ay si wadajir ah u soo saari lahaayeen maamul Goboleedyada ayaa sheegaya in laga soo horjeesto afarta xeer uu soo gudbiyay Guddiga wadajirka dhameystirka xeerka doorashooyinka qaranka..
Madaxda maamul Goboleedyada oo dhowr habeen ku wada hadlay qadka taleefoonka ayaa waxay xogta sheegeysaa in Maamulka Galmudug uu usoo horjeestay inuu ka qeyb noqdo, inkastoo aysan noo suurtagelin inaan helno go’aanada ay qaateen maamulada kalle ee lagu tiriyo inay aad ugu dhow yihiin Dowladda Dhexe, gaar ahaa Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa madaxda Maamul Goboleedyada u sheegay in maamulkiisa uu yahay mid cusub, islamarkaana hadda diyaar u aheyn inuu faraha la galo khilaaf iyo xeerar horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.