Ciidamada Danab iyo Gorgor ayaa waxay la wareegeen deegaanno hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabeellada hoose, waxayna sheegeen mas’uuliyiinta ciidamadaasi in hadda ay gacanta si buuxdo ugu hayaan dhowr tuulo oo ay Al-shabaab maamulayeen .
Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandoosta Soomaaliya G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ee SNA ayaa waxa uu qeexay in hadda ay gacanta ku hayaan deegaannada kala ah Jilib-marko Gendershe , isagoo intaa ku daray in ay dileen saraakiil Al-shabaab deegaannadaasi u qaabilsanaa .
Taliye Ismaaciil Cabdimaalik ayaa intaa ku daray iney sii wadayaan howl-gallada ay doonayaan in gacanta dowladda ay kusoo geliyeen dhulka weli Al-shabaab ay maamulaan.
Dhanka kale alshabab ayaan weli ka hadli sheegashada ay ciidamada dowlada sheeayaan in ay la wareegeen gacan ku heyta deegaanadaas mana jirto cid kale oo xaqiijin karta ama beenin karta hadalka ciidanka dowlada