Kulan aalada qadka Zoom oo ay maanta yeelanayeen dowlada Dhexe iyo Hogaanka maamul Gobolleedyada Soomaaliya oo goordhaweyd oo Duhurnimadii maanta aheyd furmay.
Kulanka ayaa waxaa shir gudoominaayey madaxweynaha dowlada feeraalka somaliya Waxaana Shirka kasoo qeyb galay Maamul Gobolleedyada Dalka ka jira, Sida Jubbaland, Puntland, Galmudug, HirSHabelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo weliba gudoomiyaha gobolka banaadir.
Kulanka ayaa la sheegaya in diirada lagu saari doono qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin La dagaalanka Al Shabaab, Xaalada Siyaasada Dalka, Doorashooyinka, Sharciyada Shidaalka iyo Arimo kale.
Waxa uu shirkaan Hordhac u yahay Kulan ay toos isku soo hor fariisan doonaan Madaxda Maamul Gobolleedyada iyo Dawlada Dhexe Dalka.