Madasha Xisbiyada Qaran oo Ka Digey Heshiiska Shidaalka

0
64

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha xisbiyada qaran ayaa waxaa looga hadlay kheyraadka dalka, gaar ahaan heshiisyada la xariira arrimaha shidaalka Soomaaliya, xilligaan oo lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay madashu ka walaacsan tahay tartanka ruqsada 7-da xirmo ee ay dhowaan soo bandhigtay xukuumadda Soomaaliya.

Madasha ayaa shaacisay in lagu jiro xilli doorasho, islamarkaana ay suuragal tahay in dowladdu wax weliba oo gacanteeda gala ay u isticmaali karto ololaha doorashada.