Guddiga Agaasimayaasha Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay $ 55 milyan oo ah Kaalmada Horumarinta Caalamiga ah (IDA) oo lagu taageerayo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya iyada oo loo sii marayo isbadalka miisaaniyadeed iyo isbadallada siyaasadeed ee kale.
Maalgelintan dheeriga ah waxay ka caawineysaa Soomaaliya fududeynta saameynta dhibaatada COVID-19 iyo sii wadida hirgelinta barnaamijka dib- u-habeynta Maalgelinta Horumarinta Siyaasadda ee loosoo gaabiyo DPF.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Beileh, ayaa sheegay inay Maalgelintaan dheeraadka ahi ay gacan ka geysan doonto isku-dubbarideynta farqiga u dhexeeya kharashaadka dadweynaha marka la fiiriyo 29% yaraanta dakhliga gudaha iyo 2.5% wax soo saarka 2020.
Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa ansixiyay u-qalmitaanka Soomaaliya ee Barnaamijka Dhibaatooyinka Saboolnimada daran (HIPC) bishii Maarso 25, 2020, iyadoo meesha laga saaray caqabadaha horyaal koboca dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada iyo bixinta marin u helka aaladaha IDA si loo yareeyo saameynta dhibaatooyinka badan Soomaaliya.