Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya maalinta xoriyada ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyada oo Ciidamada Baambayda ay ku maamuusayeen heesta Calanka iyo Astaanta dalkeenna.
Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Daljirka Daahsoon waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka.
Waxaa kaloo munaasabadan kasoo qeyb galey Boqollaal Shacab ah oo ay ka muuqato farxadda Xuska 60-Guurada Xornimada dalka somaliya.