Barlamaanka Soomaaliya oo beryahanba ka doodayey mooshin ku saabsan sidii gobolka banaadir qoondo looga siin lahaa aqalka sare ayaa ugu dambeyn maanta meel mariyey in 13 kursi oo dheeraad ah lagu kordhiyo golaha aqalka sare, si ay matalaad ugu noqdaan gobolka Banaadir.
Ansixinta xeerkan ayaa waxaa soo xaadirey 146 xildhibaan waxaana ansixisey Xeerkan 142-Xildhibaan halka ay diideen 4-xildhibaan, wax ka aamusayna ma jirin.
Matalaada gobolka Banaadir waxay ka dambeysay kadib markii xildhibaano ka tirsan barlamaanka Soomaaliya ay barlamaanka horgeeyeen mooshin ku aadan in 13 kursi oo aqalka sare ah lasiiyo gobolka Banaadir.
Tirada xubnaha aqalka sare oo awal hore ahayd 54 xubnood oo loo qeybsadey qaab maamul goboleed ayaa hada noqon doonta 67 ayadoo aan la ogeyn qaabka beelaha sia loogu qeybsan doono.