Xaliimo Yareey oo Maanta Hor Tagtey Baarlamaanka Codsateyna Mudo Kororsi Si Ay u Dhacdo Doorasho Qof iyo Cod

0
84

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” oo maanta hor-tagtay Aqalka hoose ee Baarlamanka ayaa waxay sheegtay in aan dalka hadda laga qaban Karin doorasho qof iyo cod ah sidaasi darteed uu Guddiga doorashada u baahanyahay in la siiyo waqti dheeraad ah.

Waxay tilmaantay in ay u baahan yihiin 13 bil oo dheeraad ah oo ka billaabaneysa Bisha July sanadkaan 2020-ka , kuna eg’ Agosto 2021-ka .

Guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in ay in uu la kulmay caqabado ay kamid yihiin Maamul Goboleedyada, ammaanka iyo arrimo dhaqaale la xiriira sida ay hadalka u dhigtay.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil ayaa horay ugu adkeysan jirtay in dalka laga qaban karo doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay dhaliilsanaayeen sida ay u suura-geli karto xubno kamid ah saamileyda siyaasadda oo ay qeyb ka yihiin axsaab badan oo mucaarad ah, kuwaas oo ka digayay in la sameeyo muddo korarsi.