Xaliima Yareey Nidaam Doorasho oo Leysla Ogol Yahay Ma Heyso

0
125

Waxaan dhageystey Khudbadii  xaliimo yareey oo ku magacaaban gudiga doorashada ee madax-banan , balse aan eheeyn sidaasi oo ay yihiin gudi aan madaxbanaaneen waayo Xaliima Yareey iyo gudigeeda waxeey ku dhax milmeen gudiga fulinta iyo Madaxtooyada   

Xaliimo yarey waxeey aqrineeysay warqad aysan iyada soo qorin sida muuqatay warqada waxaa loogu soo diyaariyay Madaxtooyada Farmaajo

Xaliimo yareey waxeey ka dhawaajisay in doorashada xiligii loogu talagalay ee daastuuriga ahaa  aan lagu qaban karin badalkeedana ay u baahan yihiin 13 bil oo dheeri ah (Sanad&Bil ah) taas oo ah ku darsasho xileed oo dastuurka KMG aan meelna ugu qorneeyn .

Xaliimo yarey waxa kaloo  ay sheegtey in qaab kii ”biometric registration” ahaa uusan suurtagal aheeyn qalabka oo qaali ah dartiis Sidaa darteed ay go’aan sadeen in marka lagaaro bisha Augusti 2021 ay doorashada ay qabanayaan noqoto mida gacanta lagu maamulo ”Manual Registration” taas oo micnaheedu yahay qofka cod bixiyaha ah in islamar kaa intii ladiiwan galiyo uu hadanna islamarkaa cadeeyn karo, taasoo ah qaabka ugu fudud ee wax isdaba marinta  musuq maasuq lagu sameyn karo waanna mida uu rabo  Farmaajo in mar labaad loogu soo doorto madama laga dhaadhicayay in qaabkas oo kaliya uu ku soo laban karo.

Farmaajo  waxay uga egtahay inta dastuurku siiyay oo ah 8-februari -2021 Wixii intaa  ka dambeeya  hadii uu kursiga  isku sii dhajiyo waxaan uu noqonayaa Qof kursiga ugu fadhiyo sifa aan sharci eheyn oo ah nooc Afganbi casriyeysan.   

Qalinkii Dr Cali Cabdi Baab