Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay ku yeelanayaan kulankoodii Caadiga ahaa Xarunta Villa Hargeysa, kaasoo looga hadlayo arrimo hdowr ah.
Ajandayaasha Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ay kala yihiin Akhrinta 1aad ee Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ay wada galeen iyo Xeerka Astaynta Kuraasta Golaha Shacabka oo doodiisu bilaabaneyso.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in uu Maanta jiro kulanka Golaha Shacabka, isla markaana looga baahan yahay Xildhibaannada inay kasoo qeyb-galaan.
Ma aha markii ugu horeysey oo sidan oo kale xildhibaanada uga doodaan heshiisyada lala galey dowlada turkiga iyagoo inta badan aa xooga saarin howlaha kale ee ka socda dalka sida mida batroolka iyo weliba ansixinta dastuurka federaallka .