Agaasimayaasha Bangiga Adduunka ayaa maanta oggolaaday deeq $ 40 milyan oo ah Kaalmo Horumarineed oo Caalamiga ah oo loogu talagalay Soomaaliya taas oo qayb ka ah Barnaamijka Waxqabadka Degdegga ah.
Lacagtaan ayaa la doonaya in wax looga qabto halista Ayaxa ka jira Soomaaliya oo ku habsaday degmooyin badan oo ka mid ah dalka dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in Ayaxa uu saameyn xoogan leh ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 Degmo oo ka tirsan Dalka Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% Dhaqaalaha Soomaaliya.
“Khatarta duulaanka ah ee ayaxdu waxay sii xumaynaysaa dhibaatada bina-aadamnimada ee ka jirta Soomaaliya isla markaana horseedaysa helitaanka cunno yari, dakhli lumis, iskahorimaad ku saleysan kheyraadka iyo xulashada socdaalka oo xadidan,” ayuu yiri Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Felipe Jaramillo.