Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qaadacay shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee la waqtiyeeyey inuu Muqdisho ka dhacvo 5-7 bisha July.
Deni oo ka hadlay xuska munaasabadda 1-da Luulyo ayaa shaaca ka qaaday inuu u hoggaansamay baaqii baarlamanka Puntland ee ahaa inaanu ka qeyb-galin shirkaas.
Golaha Wakiilada Puntland ayaa maalin ka hor waxay ay soo saareen 13 qodob, oo mid ka mid uu ahaa in Madaxweynaha Puntland ka baaqsado shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqey kadib markii, sida ay sheegeen Golaha Shacabka uu is dhexgeliyiyey doorashada 2020 iyo metelaada gobolka Banaadir.
Deni ayaa sidoo kale ku baaqay in doorashada Soomaaliya ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, waxaana uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu iska ilaaliyo boor isku qarinta uu sida xun wax u doonayo oo aanu iska horkeenin Shacabka walaalaha iyo Xildhibaannadii fursada siiyay inuu Madaxweynaha ku noqdo.