Dhegeyso: Reysulwasaare Ku Xigeenka oo Si Dadban u Sheegey In Aysan Doorasho Dheceyn

0
92

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin in Baarlamaanka kasta markii uu Saddex sano ka Shaqeeyo wixii ka dambeeya la yiraahdo albaabada haloo laabo sidoo kale aysan 10 nin matali karin masiirka dadka Soomaaliyeed,waxaana uu si kulul u weeraray dowlad Goboleedyada.

Hadalka reysulwasaare ku xigeenka ayaa u muuqda mid beryahanba la hadal hayey oo ah in xukumada hada jirta aysan rabin in xiligan doorasho la qabto isla markaana ay ku darsadaan waqti dheeri ah.