Dhegeyso: Xildhibaan Mahad Salaad oo U Mahad Celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka

0
173

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka ay culeys weyn kala kulmeen in la meel mariyo Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir ee Xubnaha laga siiyay aqalka Sare.

Waxaa uu sheegay in markii Baarlamaanka la horkeenay Xeerka la isku dayay in meesha laga saaro, isla markaana Dowlad Goboleedyada qaar ay dagaal adag la galeen guddoonka Baarlamaanka si aan sharciga loo meel marin,hayeeshee taasi aga gudbay.